TAARIKHDA SAYID MAXAMED CABDALE

 Sayid maxamed cabdalle xasan waxa uu ku dhashay dhulka hawdka gaar ahaan deegaan dhanka waqooyi kaga beegan degmada buuhoodle ee gobolka togdheer , sayid maxamed waxa uu dhashay gugii la magacbaxay gobaysane ,kaas oo ahaa gu baarwaaqo ahaa oo dad iyo duunyoba ay badhaadheen.

Sayid maxamed hooyadii waxaa la oran jiray timiro seed magan oo caan ku ahayd " carro seed" waxa ugu waynaa caruurteeda sayid maxamed .

sayid maxamed waxa uu ku barbaaray deegaankaas hawdka ah waxaana uu yaraantiiba noqday nin aad bu firfircooon oo aad loola dhacay waxaana uu ka qayb qaadan jiray nolol maalmeedka qoyska.

sayid maxamed markii ay da'diisu tobaneeyo u dhowayd  ayaa la geeyayay dugsi quraan ku dhex yaalay halkii ooshu tiil oo uu haystay wadaad xerow ahi , sayid maxamed markii uu mudo kooban ku jiray dugsigii wxaa uu khatimay quraanka kariimka ah , halkaas oo uu caawiye u noqday shiikhiisii quraanka ,intaa ka dib sayid maxamed aabihii waa oday cabdulle eh waxa uu u bilaabay inuu dhigo qaybaha kala duwan ee culuumta diiniga wxaana uu baray aasaaska dhawr fanni oo kamida culuumta shareecada islaamka.

sayid maxamed waxa uu ahaa nin dedaal ka muuqdee si dhakhso ah ayaa uu ula qabsaday barashadii kutubta waxaana uu raacay wadaadii xerta ahaa ee oosha dhex marayay isaga oo halkaa cilmiga kaga faa'iidaysan jiray ugu danbayntiina iyaga  ayaa ka mid noqday dadkuna waxa ay ugu yeedhi jireen Aw-maxamed shiikh cabdalle magacaasina waxa uu u kordhiyay xurmo iyo milgo dheeraada oo uu ku helay barashada diinta eebbe.

intaas wixii ka danbeeyay sayid maxamed waxa uu noqday mid u banbaxa barashada cilmiga diinta islaamka isaga oo degaano ka gedisan kii ay deganaayeen ula safray wadaadadii xerta ahaa ,si uu cilmi usoo korodhsado, sayid maxamed marar badan waxa uu u safray qaybo ka mida wadanka gudihiisa waxaana ka mid ahaa safarkiisii koonfurta soomaaliaya halkaas uu ku tegay magaalooyin ay kamid yihiin magaalada muqdisho , halkaas oo uu kula kulmay qaybo kamida culimada soomaaaliyeed cilmina kaga soo qaatay.

sayidku waxa uu ahaa mid ay ku dheertahay barashada diinta eebbe eh xitaa waxa uu u safray wadanka sucuudiga gaar ahaan dhulkaa barakaysan magaalooyinka maka iyo madiina halkaas oo uu cilmi badan kasoo siyaaad saday .


Post a Comment

0 Comments