MAXAAD KA OG TAHAY CUNTOOYINKA U FIICAN INDHAHA

 sida aynu wada ognahay indhuhu waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan jidhka bini aadanka ,waxaana muhim ah in lagu dedaalo caafimaad qabka indhaha.

Waxaa jira habab badan oo loo daryeelo caafimaadka indhaha ,waxaana ka mida iyada oo la adeegsado khudaarta dabiiciga ah kuwooda ugu fiican xaga indhaha ,waxaan halkan kugula wadaagayaa qaybo kamida kuwooda ugu waxtarka badan.

Karootada (dabacasaha)

Kaarootadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ugu faaiidada badan una roon dhanka indaha ,badiyaa dhakhaatiirta indhuhu waxa ay ku taliyaan in la adeegsado kaarootada halkii laga adeegsan lahaa daawooyinka macmalka ah.

Kaarootada waxa ku jira maadooyin fara badan kuwaas oo muhiimad u leh jidhka waxaana ka mida maadooyinka ku jira madada "vitamin A" taas oo u fiican araga qofka mar kasta oo vitamin A  gu jidhka ku badan yahay waa mar kasta oo qofka aragiisu fiican yahay.

Hilibka digaaga

Hilibka digaaga ayaa ka mida cuntooyinka u wanaagsan indhaha soona celiya araga qofka ,waxaa ku jira hilibka digaaga booratiino farabadan kuwaas oo kobcinaya araga qofka .

Caleenta cagaaran

Caleenta cagaaran ayaa ka mida cuntooyinka u wanaagsan indhaha iyo caafimaadkooda .

caleemaha cagaaran waxaa ka mida saladhka, kaabajka, iyo koostada.

caleemaha cagaaran waxaa ku jirta maadada loo yaqaan(Antioxidants) taas oo faaiidooyin farabadan u leh indhaha .

caafimaadka indhaheena ayaa muhiim u ah nolosheena waxa uun waajib inag saaranyahay inaynu ilaalino taxadarna ka muujino caafimaadka indha heena

sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in aad indhahaaga ka ilaaliso waxyaaabaha hooos udhigaya xaaladoodo caafimaad oo ay kamid tahay infitiinka faraha badan ee mobilka habeenkii mobilka iyo iftiinka uu soo  deynaayo ayaa halis ku ah caafimaadka indhaha



Post a Comment

0 Comments